|
|
Maadooyinka la Barayo |
Fasalada |
Qofka lala Xiriirayo |
Talefoon |
Saami ahaan Ardayga / Macalimka: |
Goobta Adeeg |
|
A+ Tutoring Service, Ltd. |
Akhriska/Xisaabta |
K-12 |
Bonnie Vander Vegte |
651-738-0149 |
1-1 |
Guriga ardayga ama Laybareeri ama Xarunta Bulshada |
|
Habka Adeega Lagu Gudbinayo: Baris toos ah
Waa barnaamijka lacag la’aan ah oo ilmaha xisaabta ama akhriska guriga lagu barayo. Baahida cunugaaga ee la xiriirta awooda akhriskooda iyo barashada xisaabta ayaa la qaymaynayaa ka dibna macalim caawiya ayaa lagu qorayaa, qorshe waxbarasho oo shakhsi ah ayaa loo samaynayaa, si ardaygaaga loogu caawiyo inuu/inay gadhaan haybada tacliinta ee dhinaca akhriska iyo/ama xisaabta. Barnaamijka lagu magacaabo A+ Tutoring Service wuxuu bixiyaa macalimiin ardayda caawiya oo dhaqaaleeya, khibrad fiican u leh waxay qabanayaan, isla markaana waxay leeyihiin jadwal ay markii aad adigu rabto kuugu imaanayaan, taasna waxaa loo samaynayaa in ilmahaagu yeeshaan khibrad tacliintooda la xiriirta oo dhiiri galisa ay kuna faraxsanyihiin. |
|
ATS Project Success |
Xisaab, Akhriska / Xirfada Luugada |
K-8 |
Renee Weaver-Wright |
800-297-2119 |
1:1 |
Guriga ardayga, Aalada internetka (online) |
|
Habka Adeega Lagu Gudbinayo: Web-Based
Si ay u isticmaalaan barnaamijkaan horay-kobiyuutarada loogu riday Waxaa loo baahanyahay inay ardaydu leeyihiin talefoonka guriga ku jira ee loo isticmaalikaro kombuyuuterada.
Kulamada: Qiyaastii 38-1hr; 38 kulan oo min hal saac ah sanadkiiba.
Barnaamijka lagu magacaabo AST Project Success wuxuu ardayda fasaladoodu u dhexeeyaan K-8 ugu baaqayaa adeeg la xiriira tacliinta xisaabta iyo akhriska oo ardayga laga caawinayo. Waxaan idiin ku baaqaynaa adeeg aad ka helaysaan mid ka mid ah barnaamijyadayada horay kombiyuuterka loogu riday oo idiinka imaaanaya dhinaca internetka oo aanay waalidiintu wax lacag ah bixindoonin. Ardaydu waxay ku shaqaynayaan ayagoo nabad iyo shida yari gurigoodii ugu raacxaysanaya isla markaasna qoysaska ayaga ayaa dooranaya wakhtiga ku haboon jadwalkooda. |
|
Brilliance Academy |
Xisaab, English |
1-12 |
Jowhar Soultanali |
847-972-2925 |
|
Iskuulka Cunugu dhigto |
|
Habka Adeega Lagu Gudbinayo: Ardayga iyo macalimka oo is hor fadhiya
Ardayda wax ku barata barnaamijka lagu magacaabo Brilliance Academy of Math and English waxay ka helayaan farxad waxayna ku baxaysaa manhaj ka kooban waxyaabo oo isku jira iyo shaqaale si heersare ah taageerada tacliinta loogu carbiyey. Arday walba baahidiisa gaar ahaaneed ayaa wax lagala qabanayaa isla markaas saami ahaan tira ardayda ah oo ku soo aadaysa macalimkasta oo hoosaysa darteed (1halkii macalimba 8 arday) ayaa bay’ada waxay ka dhigaysaa mid uu qof waliba ka lib keenikaro. Ardayda barnaamijka Barilliance Academy waxay kale oo dariiqo u heli karaan interneetka maalin kasta oo asbuuca ka mid ah oo ay kaga shaqaysan karaan su’aal kasta oo la xiriirta shaqadda guriga ee iskuulka laga soo siiyey. Dhamaan taageerayaasha tacliintaan ka qayb qaadanayaa waa taageerayaal idman oo shahaado ka haysta ururka lagu magacaabo National Tutoring Association islamarkaas waa dad la hubiyey inaanay dambifalayaal ahayn. Taageerayaasha tacliinta ee Brilliance Academy waxay tacliinta ka taageeraan ardayda dhigata fasalda u dhexeeya 1-12 waxayna ardaygaaga ku taageerayaan iskuuulka uu dhigto, waxayna ka caawinayaan maadooyka kala ah Xisaabta, English, Akhriska, iyo Qoraalka. Brilliance Academy waxay bixisaa 40 saacadood taageerada tacliinta ah inta lagu jiro sanad dugsiyeedka oo dhan. Caawi ardaygaaga oo u door hay’ada Brilliance inay ardaygaaga ku caawiyaan in “cilmi ka buuxsamo “!
|
|
Club Z! In-Home Tutoring Services |
Akhriska / Xisaabta |
K-12 |
John Fahey |
773-414-3758 |
1:1, 1:5 |
Guriga ardayga, iskuulka, ama goobaha kale ee dadwaynaha |
|
Habka Adeega Lagu Gudbinayo: Club Z! waa Hay’ad bixisa adeega kabitaanka tacliinta ee ugu wayn ayaa waxay ku yaboohaysaa in ardayda gurigooda mid-mid macilimiintu ugu caawiyaan ama ardayda kooxo yaryar oo ilaa 5 araday hal macalim ugu caawiyo iskuulkooda ama meel kale oo ka mid ah meelaha dad waynuhu isugu yimaado. Kulamadaas ama fasaladaas waxaa wax ka dhigaya macalimiin shahaado jaamacadaad haysta oo khibrad aad u saraysa u leh waxa ay dhigayaan. Adeega waxbarasho ee ay Club Z! bixisaa wuxuu isugu jiraa xisaab iyo/ama akhris ama labadaba, waxaana adeegaas waxbarashada ah loo fidinayaa ardayda oo dhan laga bilaabo kuwa ku jira dugsiyada xanaanada caruurta ilaa iyo fasalada 12aad (K-12) oo ay ku jiraan ardayda naafada ah iyo ardayda aanay Luuqadooda Koowaad English ahayn. Ardayda dhamaystirta adeega kabitaanka tacliinta ee loo yaqaan Club Z! waxaa u suurta gasha inay sanadka ay ku jireen muujiyaan koritaan xaga tacliimed ah oo u dhiganta wakhtiga iyo dadaalka la galiyey, haddaba waxaa cunugaaga ku biloowdaa inuu cagta saaro waddo uu tacliin fiican ku guulaysan karo sidaas darteed waxaad maanta ku xirtaa Club Z! |
|
College Nannies & Tutors – St. Paul |
Akhriska, Qoraalka, Xisaabta |
K-12 |
Peter Coffin |
651-209-3095 |
1:1 |
Guriga ama Iskuulka |
|
Habka Adeega Lagu Gudbinayo: Dumarka wadaada ah ee kuleejooyinka ka shaqeeya & macalimiin ayaa ardayda fasalkasta iyo baahi kasta mid-mid wax u baraya ayagoo isticmaalaya taageerada macalimiin la hubiyey khibradooda. Xirfadlayaashayada iyo aqoonyahanayada tacliintaan maamulaa waxaa loo carbiyey inay ardayda ku caawiyaan kalsoonida iyo awooda ay mudanyihiin si ay ugu guulaystaan tacliinta dugsiyada iyo aayaha noloshaba kaleba . Shaqaalahayaga isugu jira dad luuqado iyo dhaqamo kala duwan haysta ayaa waxay awood u leeyihiin inay arday kasta caawiyaan ayadoon loo egayn fahmadooda, tacliintooda, iyo sinji ahaan baahidooda la xiriirta akhriska, qoraalka, iyo xisaabta iyadoo la isticmaalayo dhoowr manhaj iyo waliba meelo ka mid ah internetka. |
|
East Side Learning Center
|
Akhriska / Xirfada Luuqada |
K-4 |
Audrey Lindenfelser |
651-793-7331 |
1:1 |
Johnson Elementary, Bruce Vento Elementary, Trinity Catholic |
|
Kulamada: Qiyaastii 45- 1hr (45 kulan oo kiiba 1 saac yahay) sanadkiiba
Saamiga Ardayga Macalimka: hal arday-hal macalim
Habka Adeega Lagu Gudbinayo: Xarunta lagu magacaabo East Side Learning Center waa xarun sanadka oo dhan wax lagu barto oo aan dariiqo diineed ahayn, oo uu ka socdo barnaamij uu macalim kastaa hal arday akhriska ka caawinayo caruurta dhigata fasalada K-4 ee awooda akhriskoodo ka hooseeyo heerka laga rabay isla markaasna ku nool ama dugsiyada ka dhigta Dhinaca Bari ee magaalada St. Paul. Goobaha adeegaan kaalmada tacliinta ardayda lagu siiyaa waxay kala yihiin John A. Johnson Achievement Plus Elementary, Bruce F. Vento Elementary iyo Trinity Catholic School. Waalidiinta ayaga ayaa laga rabaa inay gaadiidkooda ilmaha ku keenaan kuna celiyaan maraka taageerada tacliintu u dhamaato. Waxaan la shaqayn karaa ama caawin karaa ilmaha dhigta barnaamijyada la yiraahdo ELL iyo LD, balse waalidiintu waxaa loo baahanyahay inay ogaadaan inaanaan u taba barayn inaan caawino caruurta ku jirta tacliinta gaarka ah (special education). Hadafka barnaamijkaan caruurta ku jahaysan laga leeyahay waa (1) in caruurta karitaanka akhriskoodu uu ka hooseeyo fasalka ay dhiganayaan akhris ahaan kor loo qaado la soo gaarsiiyo meel u dhiganta fasalka ay dhiganayaan inta ka horaysa marka ilmuhu ay dhamays tirayaan fasalkooda afraad, iyo (2) In awood loo siiyo inay ilmahu ku guulaystaan iskuulka iyo wada noolaansha.
|
|
Eager to Learn (Friendship Academy)
|
Akhriska / Xisaabta |
K-12 |
Barbara Washington |
612-812-2406 |
1:1, 1:2, 1:3 |
Guriga cunuga, iskuulka, kaniisada, xarunta bulshada, iyo laybareeriyada xaafada (Child’s home, school, church, community center and local libraries) |
|
Habka Adeega Lagu Gudbinayo: Barnaamijka Friendship Community Services-Eager to Learn (FCS-E2L) ee taageerada tacliintu wuxuuu ardayda K-12 la lamaaneeyaa macalimiin barnaamijyo badan oo isku jira ka soo kala jeeda oo qaarkood isyaano yahay qaarna macalimiin cusub yihiin, ardayda kuleejooyinka, iyo xubnaha bulshada. Caruurta iyo dhalinyarada ayaa xisaabta iyo akhriska mid-mid loo barayaa iyo waliba kooxo yar yar oo ka kooban (2-3 arday). Hadafka E2L waa in la taageero, la sahlo, isla markaana la meelmariyo hormarka tacliinta ee fasalka dhexdiisa ah iyo in cunugaaga lagu caawiyo inuu ku baaso imtixaanka loo yaqaan MN MCAII. Waa manhaj dhaqanka waafaqsan oo ay la socdaan jadwal aad wakhtigaad rabto ka dooranayso oo kuu ogolaanaya in kulomo tacliinta lagu taageerayo (turtoring sessions) lagu qabto xarumaha bulshada. Barnaamijka E2L waxay adeega taageerada tacliinta asbuuciiba laba jeer ku bixinaysaa iskuulka cunuga, guriga cunuga, kaniisada, xarun kombiyuuter, xarunta bulshada, ama laybareeri guriga u dhow. Macalimiinta ardayda wax barayaa waa taba baranyihiin si fiican ayeyna diyaar ugu yihiin inay ardaygaaga taageeraan, isla markaasna ay la dhisaan istratijidiyadaha fasalada ardaygaagu wax ku barto maalin walba. E2L waxay isticmaashaa imtixaan ardaydaga lagu qiimaynayo inta aanu tacliintaan bilaabin iyo imtixaan kale oo ardayga lagu qiimaynayo marka uu dhamaystiro tacliintaan, iyo Qorshe Waxbarasho oo ardayga Kaligiis gooni u ah, Warbixin Bile ah oo ku saabsan Horumarka waxbarasho ee uu samaynayo, dabaaldegyo qooysku samaynayo, si loo xaqiijo horumarka waxbarasho ee ardaygu samaynayo
|
|
Launch Lives, Inc.
|
Xisaabta Sayniska, Teknoolajiyada, iyo Injineerinka |
4-8 |
Richard Kimball |
952-893-2937 |
15:1 |
Waa la idiin soo sheegidoonaa (TBD) |
|
Habka Adeega Lagu Gudbinayo: Waxwaydiin iyo Ogaal
Hay’ada lagu magacaabo Launch Lives, Inc waxaa ka go’an inay ardayda fasalada 4-8 siiyaan manhaj aan hore loo arag oo waxtar ah. Maadaama aan bixino adeega tacliinta ee lagu magacaabo SES, waxaanu manhajka ku gudbindoonaa xaalad waafaqsan hal jinsi oo qudh ah iyadoo la isticmaalayo barnaamijka leh khariirad ku salaysan cilmibaarista ee GEMS (Girls in Engineering, Mathematics, and Science) oo macnaheedu yahay Gabdhaha Barta Injineeriyada, Xisaabta, iyo Sayniska iyo GISE (Guys in Science and Engineering) Willasha ku Jira Sayniska iyo Injineeriyada. |
|
Network for the Development of Children of African Descent (NdCAD)
|
Akhriska |
K-8 |
Gevonee Ford / Susan Martin |
651-209-3355 |
5:1 |
NdCAD 655 N. Fairview St. Saint Paul, MN |
|
Habka Adeega Lagu Gudbinayo: Waxaa adeega lagu fulindoonaa habka waxbarashada Kooxda yar (small group) iyo habka hal arday-hal macalim gooni wax u barayo
Hay’ada lagu magacaabo Network for the Development of Children of African Descent (NdCAD) waxay bixisaa Barnaamijka Taageerada culuunta Akhriska oo lagu maga caabo SANKOFA waxaana loogu talagalay ardayda dhigata fasalada u dhexeeya K-8. Barnaamijkaan waxay ardaydu ka bartaan tacliin ay ka buuxdo waxyaabo dhaqanka bulshada waafaqsan, cilmi ahaana qiima fiican ku dhisan isla markaasna ardayda la bari karo. Shaqaalaha NdCAD ayaa waxay ka kooban yihiin shaqaale si heer sare ah uga soo baxay shuruudihii looga baahnaa si ay wax u dhigaan isla markaasna waxay si fiican u fahmi karaan dhaqamada kala gadisan ee ardayda iyo baahida waxbarasho ee ardaydooda. Barnaamijka waxaa waxtarkiisa iyo sida uu awooda akhriska ardayda kor ugu qaado lagu cadeeyey ama laga ogaaday maxsuulkii ka soo baxay tijaabooyin horay loogu sameeyey. Hadafka tacliintayadu waa inaan caruurta ku caawino inay awooda akhriskooda wanaajiyaan iyo inaan ardayda habkaan ku jeclaysiino barashada akhriska |
|
Project SPIRIT (Saint Paul Area Council of Churches) |
Xisaab |
K-6 |
Rev. Dr. Darcel Hill |
651-592-4128 |
1:1 iyo guruub ama koox yar |
Jackson Elementary, Trinity Catholic School, Camphor Memorial United Methodist Church, St. Paul Reformation Lutheran Church |
|
Habka Adeega Lagu Gudbinayo: Hal arday-Halkii macalim, shaqada guri ee iskuulka oo laga caawiyo iyo inay cashar ku celing u sameeyaan shaqaale iyo mutadawiciin, waxaa sidoo kale hababka tacliintaan lagu gudbinayo ka mid ah wax loo yaqaan small group discussion ama sheekaysiga kooxaha yaryar.
Mashruuca lagu magacaabo Project Spirit wuxuu bixiyaa manhajka tacliinta xisaabta oo tayadiisu sarayso ee loo yaqaaan Everyday Math, kaasoo laga isticmaalo Dugsiyada Dadwaynaha ee St. Paul. Waxaan la shaqaynaa macalimiinta iyo waalidiinta si aan u ogaano arday walba heerka tacliintiisu joogto oo aanu markaas adeega ardayga loo fidinayo ku salayno waxbarashada uu u baahanyahay in laga caawiyo. Howlaha caawimaada barashada xisaabtu waxay qayb ka tahay barnaamij lagu kobcinayo arimaha Afro-centric taasoo ay hirgalin doonaan shaqaale xirfad u leh hawlahooda, si loo dhiso waxtarka tacliinta iyo hiwaayada ardeyda (taas oo ay ku jirto dhaxalka dhaqankaaga ee lagu faani kari) |
|
RAMP-UP! 917 |
Akhriska / Xisaabta |
K-8 |
Jennifer Hetland |
651-423-8503 |
3:1 |
Dugsiya ka qayb qaadanaya |
|
Habka Adeega loo Gudbinayo: Macalim kasta waxaa ku soo aadaya koox arday ah oo aan ka badanyn sadex arday
RAMP (Reading and Math) UP! Waxay ardayda siinaysaa qiimayn si shakhsi shakhsi ah looga qaado iyo manhaj ku salaysan cilmibaarista iyo kor u qaadida xirfada ardayda. Macalimiinta khibrada sare leh waxay leeyihiin awood ay ku habayn karaan tacliinta ardayda wax loo dhigayo ayagoo u eegaya baahida ardayda. Ardayda dhigata laga bilaabo fasalda xanaanada caruurta ilaa fasalada sideedaad ( K-8) waxaa la barayaa waxyaabaha ay dugsiyada ay tagaan laga baro waxaana wax loo barayaa sida dugsiyadaas wax looga baro ayadoo loo jaan goynayo koorso wakhtigeedu le’egyahay 32 saacadood. Fikradaha la soo jeediyey ee arintaan lagu meel marinayo waxaa ka mid ah in todobaadkiiba laba fadhi oo min laba saac la isugu yimaado mudo sideed asbuuc ah. Tacliintaan waxaa ardayda loogu dhigayaa dugsiyada ay sida caadiga ah u aadaan. Marka ay dugusiyadu dhamaadaan maalin walba ayaa isla markiiba waxaa la bilaabayaa fadhiyada kooxaha yaryar ee ardayda wax lagu barayo, kooxaahaani kama badnaan karaan sedex arday macallimkiiba. Hay’ada tacliintaan bixinaysaa wax gaadiid ah oo ardayda ma siinayaan. |
|
The Salvation Army- Eastside After School Program |
Akhriska / Xisaabta |
K-8 |
Antwan Flowers |
651-776-8169 |
1:1 ama kooxo yaryar oo ah saami ahaan gaaraya 3:1
|
Salvation Army’s Eastside Community Center |
|
Habka Adeega loo Gudbinayo: Hay’ada la yiraahdo Salvation Army waxay ardayda fasalada K-8 siisaa taageero tacliineed oo halkii ardayba hal macalim ku soo adayo iyo mid kale oo ardayda kooxo yaryar loogu qaybinayo oo koox kasta oo yar macalim gooni ah ku soo aadayo. Isla markaana waxaa jira maadooyin kale oo ardayda la bari kari karayo ayadoo loo eegayo baahida waxbarasho ee arday walbaa gooni u yeelan karo. Taageerada tacliimeed ee ardayga goonida u ahi waxay saami ahaan ahaanaysaa 1:1 taasoo macnaheedu yahay halkii arayba waxaa ku soo aadaya hal macalim; wax barashada ardayda loo qaybinayo kooxo yaryar waxay saami ahaan noqonaysaa 3:1 oo macanaheedu yahay sadesdii ardayba waxaa ku soo adaya hal macalim. Adeegaan waxaa laga heli karayaa Xarunta Bulshada ee Salvation Army ee Dhinaca Bari ee Magaalada ku taal oo cinwaankeedu yahay: Salvation Army’s Eastside Community Center at 1019 Payne Ave, St. Paul, MN 55130. Waxbarshadaan waxaa la heli karaa saacadaha u dhexeeya 4:00 - 8:00 todobaadkasta laba jeer oo kala ah Isniinta iyo Khamiista
|
|
Somali Education Center |
Akhriska / Xisaabta |
K-12 |
Fatumo Said |
651-225-8553 |
8:1 and 1:1 |
430 Dale St. Saint Paul, MN 55103 |
|
Habka Adeega loo Gudbinayo: Habka Adeega Lagu Gudbinayo: Kooxo kooxo yar yar iyo saami u dhigma hal- arday- hal-macalim. Waxaan ardayda u haynaa waxyaabo ku daabacan ama ku turjuman af Soomaali iyo af Oromo. Gaadiid ayaa ardayda waxaa lagaga soo qaadayaa dugsiyada ay dhigtaan oo lagu keenayaa goobta ay wax ka baranayaan kadibnma waxaa gaadiidkaas loogu qaadayaa guryahooda
|
|
TutorCo |
Xisaab |
3-12 |
Sumit Dhawan |
952-960-2799 |
1:1 |
Guriga , Iskuulka (Saacadaha iskuulku dhamaado kadib) |
|
Habka Adeega Lagu Gudbinayo: Interneetka (Online)
Mashruuca TutorCO wuxuu ardayda maadada xisaabta kaga caawinayaa barnaamij hal-macalim caawinayo hal-arday ayadoo la isticmaalayo aalada internetka, adeegaan waxbarasho waxaan u fidinaynaa ardayda dhigata fasalada u dhexeeya 3 -12 waxaana lagu gudbinayaa aalada internetka oo qof maamulayo, waxaana lagu qaadanayaa guriga ama iskuulka ( waxaana la qaadanayaa saacadaha ka dambeeya wakhtiga iskuulku dhamaado).
Barnaamijyadada waxbarashada shakhsiga ah waxay kuu ogalaanayaan inaad wax u barato hadba sidaad u talaabsan karto ama hadba sidii aad karikarto isla markaasna waxay kaa caawinayaan sidii aad tacliinta horumar uga samayn lahayd. TurtorCo waxay tacliintooda kugu siindoonaan kombuyuutar iyo aalada internetka ayagoo waxbarashada guriga kaaga caawinayo si aad u gaarto arimaha kuugu daran ee aad tacliinta ka tabanayso. Ardaydu kombuutarada way haysan karayaan kadib marka ay si xaragale u dhamaystaan barnaamijkaan. Shaqaalahayaga idiin caawinayaa si heer sare ah ayey ugu qalmaan shaqada ay qabanayaan, way ku baraarugsanyihiin, waxaana ka go’an inay wax ka badalaan heerka aad hada tacliinta ka joogto. Labadii asbuuc oo kasta ribood ayaan waalidiinta iyo macalimiinta iskuulka ardaygu dhigto u soo diraynaa. Sanadkii la soo dhaafay, 74% ardaydii barnaamijkaan loo diiwaangaliyey mudo bil gudaheeda ah oo aanu wax barashada ka caawinaynay waxay ku arkeen xaashi dhan oo muujinaysa buudooyinkoodii ama dhibcohoodii oo kor u kacay. Adeegaan waxaa la heli karaa 7 maalmood ee asbuuca laga bilaabo 7 subaxnimo ilaa 11:00 fiidnimo ee ku aadan wakhtiga meesha aad joogto. Wixii akhbaar dheeraad ah ee aad u baahantahay waxaad naga soo booqan kartaa bogga internetka ee http://www.tutorco.com.
|
|
YWCA St. Paul Academic Enrichment Program |
Xirfada Luuqada / Xisaabta
|
K-12 |
Sharla Scullen |
651-265-0755 |
Saami ahaan 3-5 arday 1kii macalim oo kasta |
YWCA Tutoring Center 375 Selby Ave. Saint Paul, MN 55102 |
|
Habka Adeega Lagu Gudbinayo: Habka Ardayda Wax Loo Barayo: Ardayda marka wax barayo waxaa loo fariisinayaa kooxo yaryar Barnaamijka Tacliinta ee hay’ada YWCA ee St. Paul wuxuu dhalin yarada dhigata Dugsiyada Dadwaynaha ee St. Paul siiyaa adeeg waxbarasho. Adeegaan waxbarasho waxaa loo heli karaa ardayda dhigata fasalada K ilaa 12 oo macnaheedu yahay fasalada dhexeeya Xanaanada Caruurta ilaa fasalka 12 aad ee dugsiyada sare. Tacliinta xaruntaan laga baranyaa waxay isugu jirtaa Xirfada Luuqada iyo Xisaabta. Gaadiid ayaa ardayda ka soo qaadaya dugsiyada laga qaatay ee ay dhigtaan. Ardayda waxaa wax u dhigaya khubaro ku takhakhusay waxay ay dhigayaan iyo macalimiin laysin u haysta maadooyinka ay ardayda u dhigaan, macalimiintaas oo hore u muujiyey sida ay ugu jajaban yihiin una danaynayaan inay dhalinyarada waxbaraan oo la shaqeeyaan. |